Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu dunica ka abuurayo argagax dhaqaale oo aan qarsooneyn.

Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegay in aysan Beiging u dhutin doonin in ay iska difaacdo khal khal gelinta kaga imaaneysa dowladda Mareykanka.

Shiinaha Iyo Mareykanka oo ah labada dhaqaale oo caalamka ugu hantida badan ayaa madaxa iskula jira iyada oo wadahadallo la qorsheeyay ay u muuqdaan kuwo aan waxba ka hirgeli doonin sababo la xiriira madaxweyne Trumo oo kor u qaaday canshuurta laga qaado badeecooyinka Shiinaha ee gala gudaha Mareykanka isaga oo liiks madow ku daray shirkadda caalamiga ah ee isgaarsiinta ee Huawei.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Shiinaha ayaa sheegtay in Shiinuhu uusan ka baqeynin dagaalka dhaqaale ee Mareykanku soo qaaday waxaana la filayaa in todobaadka soo socda madaxweynaha Shiinaha uu shir u aado wadanka Raashiya.

Shiinaha ayaa ka digay in uusan jiri doonin cid guul ka gaari karta dagaalka ganacsiga caalamka haddii reer Galbeedka ay isku dayaan inay ku goobtaan dalka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here