Dadka taageera madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhaqaaqay in ay dhisaan derbiga xuduudka u dhexeeya Mexico iyo Mareykanka kadib markii la sheegay in ay lacago iska aruuruiyeen.

Nin milliteri hore ahaan jirey oo lagu magacaabo Brian Kolfage ayaa soo bandhigay sawir muujinaya in derbi ka Bir ka sameysan uu ka dhismihiisa soconayo ismaamul goboleedka New Mexico ee dalkaasi Mareykanka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in derbiga lagu guuleystay in la taago kadib markii taageerayaasha madaxweyne Trump ay iska aruuriyeen lacag gaareysa $22 milyan oo doolar. Waxaana uu tilmaamay in tabarucaadda ay ka socotay dhanka qadka internet-ka halkii sano ee la soo dhaafay.

Taagerayaasha madaxeyne Donald Trump ayaa arrintan lacag aruurinta ah ku dhaqaaqay kadib markii kongress-ka Mareykanka ay diideen in ay Trump ku taageeraan kharashka ku baxaya dhismaha derbiga Mexico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here