Dad ayaa ku xoomay shaqaale caafimaad oo ka howlgalayey Bariga Koongo. Wasaaradda caafimaadka ee Koongo ayaa sheegtay in shacab careysan ay boobeen alaabtii taalley goob dadka looga daweynayey cudurka Ebola.

Weeraradan lagu qaaday shaqaalaha caafimaadka cudurka Ebola ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo huberysan ka jira dalkaasi Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo.

Hakad ayaa ku yimid howlihii degaankaasi alaabta laga bililiqeystay waxaana saraakiisha caafimaadka ay ka digeen in uu cudurkani faafo haddii la dhibaateeyo shaqaalaha daweynaya cudurka Ebola isla markaasina la bililiqeysto xarumaha cusub ee halkaasi laga hirgeliyey.

Cudurka khatarta ah ee Ebola ayaa ah madax-xanuun daran oo hore u dilay ilaa 1,281 qof tiradani oo ah xisaabintii u dambeysay ee wasaaradda caafimaadka dalkaasi Koongo ay shaacisay.

Waxaa jira kiisas kale oo dheeraad ah oo ah dadka uu soo ritay cudurka Ebola kuwaasi oo asbuucyada soo socda lagu dhawaaqi doono.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xarunta caafimaad ee la boobay ay ku taallo tuullada Vusahiro, ee ku taal degmada Mabalako halkaasi oo ay tageen saraakiisha caafimaadka ee ka hortagga cudurka ee caalamku u diray dalkaasi si ay uga hortagaan cudurkani khatarta ah ee Ebola.

Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay kooxaha hubeysan oo ka jira degaanada Katwa iyo Butembo, ay dhibaato ku hayaan sidii cudurkaasi loo daweyn lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here