16 qof ayaa lagu xiray howlgal lagu sameeyay faramashiyeyaasha ku yaalla kowntiga Nakuru.

Ilaa 27 ruux ayaa la horkeenay maxkamadda Nakuru kadib markii halkaasi maalinimadii Isniinta laga sameeyay howlgal balaaran.

Dadka laga shakisan yahay ayaa la soo xiray Axadii waxaana bandow lagu soo rogay rugaha caafimaadka ee aan diiwaangashaneyn.

Tillaabadan ayaa waxaa markii ugu horeysay qaaday ururka caafimaadka iyo kormeerka farmashiyeyaasha qaranka waxaana dadka haatan laga soo qabqabtay Nakuru la horgeeyay garsoore Bernard Mararo.

Dadkani dawooyinka iibiya ayaa laga gudbiyey dacwad sheegaysa in ay rugahani caafimaad furnaayeen iyaga oo aan heysanin shatiga ganacsiga ama iibinta dawooyinka sidoo kale ma aysan heysanin waraaqaha ruqsadda ah uu bixiyo guddiga kormeerta farmashiyaasha iyo dawooyinka dalka.