Waxaa la sheegayaa in gantaallo ay is weydaarsadeeb wadammada Israel iyo Suuriya.

Weeraradan oo ahaa kuwo dhanka cirka ah ayaa laga gaystay dhulka buuralayda Golan Heights, oo ka tirsan Suuriya sida ay ku warameen warbaahinta iyo ,ilitariga Israel.

Wakaalada wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in weerarka oo loo adeegsaday gantaalo ay Israel la bartilmaamaydsatay deegaanka Tel al-Shaar.

Sidookale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaamaydku uu ahaa gaari Militari oo halkaasi marayay waxaana ka dhashay qasaaro dhaawac ah.

Militariga Israel ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada waxa ay ku sheegeen in weerarkaasi ay kaga jawaabayeen gantaal lidka diyaaradaha ah oo galinkii hore ee Isniintii lagu riday mid kamid ah diyaaradahooda.

Warkan kasoo baxay Israel ayaa imaanaya kadib markii television’ka qaranka ee Al Ekhbariya laga baahiyay in hal askari uu dhintay midkalana uu dhaawacmay kadib weerar ka dhacay gobolka Qunietra.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here