Barnaamij ay hogaaminayaan maamulka Gaarisa ayaa la soo bandhigay iyadoo la sheegay in ujeedada barnaamijkaasi ay tahay horumarinta siyaasadda iyo dhismaha bulshada ee gobollada safka hore, sidaasi waxaa sheegay ku xigeenka xoghayaha kowntiga Gaarisa mudane Cabdirashiid Xuseen.

Saraakiisha kowntiga ayaa ka hadlay nidaamka maamul ee haatan jira, arrimaha sharciga iyo isku xirka barnaamijka nabadeynta ee gobollada safka.

Isniintii ayaa xoghaye Xuseen waxa uu shir gudoomiyey kulan ka dhacay xafiikiisa kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan qeybaha ay quseyso si kaalmo looga geysto diyaarinta siyaasadaha ismaamulka.

Cali Buno Qorane oo ah barasaabka Gaarisa ayaa sheegay in bulshada dhinacyada kala duwan looga baahan yahay sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen waxaana uu ugu baaqay dhammaan bulshooyinka in ay xal waara ka gaaraan khilaafyadooda isla markaasina diiradda saaraan horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here