Arrimaha xuduudka ayaa keenay in uu sii adkaado xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya Kenya.

Arrimaha ayaa sii adkaaday kadib markii xukuumadda Muqdisho ay ka xanibtay saraakiisheedu in ay kulamo ku qabsadaan magaalada Nairobi sababo la xiriira Viiseyaashii asbuucii tegay loo diiday saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale wargelin siisay hey’adaha aan dowliga aheyn ee ka howlgalaya gudaha wadanka Soomaaliya in ay xarumahooda u soo wareejiyaan gudaha wadanka Soomaaliya haddii kale laga xanibi doono in ay howlgallo ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Maalinimadii Sabtida ayaa wasaaradda caafimaadka shaqaalaha ee dowladda Soomaaliya waxa ay warqad u qoreen hey’adaha Qaramada Midoobey iyada oo warqadaasi lagu weydiistay in ay dib u qorsheeyaan kulamada lagu qabto magaalada Nairobi.

“Sababo la xiriira arrimihii ugu dambeeyay ee xanibaadda dhanka safarrada awood uma lihin in aynu ka qeybgalno kulamo, shirar, tababarro iyo seminaarro ka dhacaya magaalada Nairobi arrimahaasi oo loo baahan yahay in aynu gudaha dalka ku qabanno ama aynu aadno dalal kale oo loo safri karo.” sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee wasaaradaasi Abdullahi Hashi Ali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here