Dhul-gariir xooggan oo xadigiisu yahay 8.0 ayaa ku dhuftay wadanka Peru ee dhaca qaaradda Laatiin Ameerika.

1 qof ayaa inta la ogyahay ku dhintay 26 kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariirkaasi oo laga dareemay dalka deriska la ah ee Equador.

Dhulgariirka ayaa ka dhacay gobol dalkaasi Peru ku yaal oo lagu magacaabo Amazon waxaana khasaaruhu uu gaaray dalka magaalooyin dalkaasi Equador ku yaal.

Dadka qaxaya ayaa isugu soo baxay wadooyinka, waxaana jira guryo duq ah oo soo dumay kadib markii uu dhulku ruxmay sida uu ku soo waramay duqa magaalada Yurimaguas Mr. Hugo Araujo, magaaladaasi Yurimaguas ayaa la sheegay in ay u dhowdahay xagasha dhulka hoostiisa ah ee dhulgariirku ka soo bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here