Sawaariikh ayaa lagu garaacay hoteelka Rixos luxury ee magaalada Tripoli. Weerarka oo dhacay Jimcihii ayaa lagu qaaday dowladda ay caalamku aqoonsan yihiin ee wadankaasi Liibiya.

Dowladda ku meel gaarka ah ee Liibiya ayaa weerarkan ku dhaleecaysay in uu soo qaaday hogaamiyaha jabhadaha Bariga dalkaasi Liibiya Gen. Haftar.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa soo saartay sawirro ay ku muujineyso burburka qaraxyada ka dhashay.

Horaantii bishii Abriil ayaa taageeryaasha daacada u ah hogaamiyaha jabhadda LNA waxa ay bilaabeen in ay isku dayaan in ay qabsadaan magaalada Tripoli kuwaasi oo ku guuldareystay in ay dhaqsiyo magaaladaasi u qabsadaan.

Dagaallada ayaa weli ka soconaya duleedka Tripoli waxaana la sheegay in jabhadaha uu wato Jen. Haftar ay haatan gantaallo ku tuureyso meelaha ay ka taliso dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here