Xildhibaannada Uganda ayaa meel mariyey Hindise sharciyeed dembiile ka dhigaya jku deeqidda lacago cunto ama caawino kale in la siiyo carruurta derbi jiifka ama ku dayacan wadooyinka.

Dadka sharcigan cusub jebiya ayaa wajahi doona ilaa 6 bilood oo xabsi ah ama ganaax lacageed oo dhan $11 doolar oo u dhiganta Sh1,114.

Ujeedka arrintan laga leeyahay ayaa ah sidii loo meesha looga saari lahaa ka ganacsiga iyo ka manaafacaadsiga dhanka jinsiga ee lagula kaco carruurta yar yar.

Duqa magaalada Kampala Erias Lukwago ayaa sheegay in sharcigan cusub uu sidoo kale ganaaxayo dadka carruurta geeya wadammada kale, wakiillada, waalidiinta, mukhalisiinta, kuwaasi oo haddii lagu helo dowladdu ciqaabi doonto, sidoo kale waalidiinta carruurta u adeegsada in ay ku shaqeeyaan ama carruurtoodu ay wadooyinka wax ku iibinayaan ayaa iyaguna loo digay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here