Xisbiga dimuqraadiga Mareykanka ayaanan weli diyaar u aheyn in mooshin xil ka qaadis ah laga keeno madaxweyne Donald Trump.

Hogaamiyaha aqalka baarlamaanka ugu jira xisbiga dimuqraadiga Nancy Pelosi ayaa ka digtay in haddii la isku dayo in tillaabo ficil ah la isku dayo in laga qaado Trump ay taasi kala qeybsanaan ku keeni karto aqalka congress-ka Mareykanka.

Afheyeenada baarlamaanka Mareykanka Nansi Palosi oo asbuucan ay si weyn isaga horyimaadeen madaxweyne Trump ayaa sheegtay in madaxweyne Trump laftiisa uu ka niyad jabay markii uu maqlay in weli Xisbiga Dimuqraadigu uusan qaadin tillaabooyin uu xafiiska uga qaadayo madaxweynaha.

Palosi ayaa ku celcelisay in booskeeda kaga haadan xil ka qaadista Trump uusan waqtigani aheyn mid ay ku dhiiraneyso isla markaasina waxa ay sheegtay in aysan daneynayn in xil ka qaadis lagu dhaqaaqo xilligan.

Palosi ayaa tiri: “Trump waxa uu doonayaa in aynu ku qabsanno dacwadaha lagu heysto ee ah xiriirka Ruushka iyo arrimo kale balse tani waxa ay kala qeybineysaa baarlamaanka iyo in wadanka Mareykanka uu hore u socdo”
Waxaa ay sheegtay in haddii xisbiga Dimuqraadigu uu ku mashquulo Trump ay imaaneyso in uu awood yeesho oo taageero uu ka raadsado xisbiyada kale, iyada oo talo ku soo jeedisay in laga aamuso ilaa uu isagu gaaro meel aan laga soo qaban karin oo xisbiyada kale iyo isaga laga dhursugo meesha ay isla gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here