Xukuumadda dalka Botswana ayaa Arbacadii qaaday xayiraadii saarneyd ugaarsiga Maroodiga ku dhaqan wadankaasi.

Waxaa dowladdu ay sheegtay in la qaaday xayiraadii kal hore lagu soo rogay ugaarsiga xayawaanka Maroodiga waxaa kale oo ay dowladda dalkaasu sheegtay in ay beerleydii dalkaasi noqdeen kuwo faqiir ah oo dhaqaale xumo badani soo foodsaartay.

Ugaarsiga Maroodiga ayaa Botswana ayaa la mamnuucay sanadkii 2014-kii iyada oo uu mamnuucay madaxweynihii dalkaasi Ian Khama, oo isagu ahaa nin ku xeel dheer xanaaneynta xayawaanka.

Laakiin xildhibaannada dalkaasi gaar ahaan kuwa ku jira xisbiga talada dalkaasi haya ee lagu magacaabo Botswana Democratic party ayaa mudooyinkan dambe u doodayey sidii loo qaadi lahaa xayiraadda la saaray ugaarsiga Maroodiba.

Madaxweyne Mokgweetsi Masisi ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee dalkaasi Ian Khama bishi Abriil ee sanadkani waxaana dib u eegis arrintan ku saabsan ay soo bilaabatay 5 bilood kadib, warbixinnada ayaa sheegaya in arrimahani ay qebka yihiin isku dhac u dhexeeya labada xisbi ee kala hogaanim jirey siyaasiyiinta Masisi and his predecessor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here