Qarax dad badan ay ku dhinteen ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad uu ka dhacay bar kontorool oo ku taala Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ku dhaawacmay saraakiil iyo xildhibaano ay ka mid yihiin xildhibaan Shabeel iyo Xildhibaanad Maryan Cariif oo ka mid ah Golaha shacabka.

Madax ka tirsan dowladda federaalka ayaa ka tacsiyeysay waxaana qaraxaani uu ahaa mid si aad ah loogu waxyeelobay.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here