Haweenay ka mas’uul sare ka aheyd dugsiga sare ee Mumbi Girls’ High ee ismaamulka Murang’a ayaa xarig isku daldashay.

Haweenaydan oo lagu magacaabay Joyce Mwinzi ayaa la helay iyada oo gurigeeda xarig isaga soo lalmisay gurigeeda ayaa ku yaallay gudaha iskuulka.

Waxaana soo arkay labo ka mid shaqaalaha iskuulka maalinimadii Talaadada.

Maamulaha iskuulka Esther Njeri ayaa sheegtay in ay heshay warbixinno ay labada shaqaalaha ah soo gudbiyeen oo sheegaya in haweenaydii qaabilsaneyd dhanka caafimaadka iyo xanaaneynta ardeyda isla markaasina aheyd sii hayaha xilka iskuulkaasi in ay iyadu gacanteeda isku dishay.

Haweenta ayaa iskuulkaasi shaqaale ka aheyd 33 sano, waxaana loo dalacsiiyey ilaa heer darajo mas’uuliyad sare oo ay iskuulka ka heysay.

Jiif sare Charles Muna ayaa ku boorisay qeybaha bulshada in ay marka ay dhibaato dareemaan aysan iyagu is dilin ee ay raadiyaan xal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here