Dib u dhaca ku yimid sharci u sameynta Dakhliga Kowntiyada ee 2019-20 ayaa dhibaato ku heysa kowntiyada dalka, sidaasi waxaa sheegay gaavanaha Wajir gaavana Maxamed Cabdi.

Mudane Cabdi ayaa sheegay in iskhilaaf ka dhex taagan baarlamaanka iyo golaha senat-ka uu sababay in uu hakado ansixinta hindise sharciyeedkaasi.

Gaavanaha Wajeer ayaa sheegay in si deg deg ah looga doonayo aqallada baarlamaanka in ay uga soo jawaabaan xuquuqda shacabka Kenyaanka.

Gaavana Cabdi ayaa ku dhaliilay wasaaradda maaliyadda in ay kowntiyada ka jartay 9 bilyan tillaabadaasi oo uu sheegay in ay cuuryaamineyso mashaariicdii horumarineed ee kowntiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here