Booliska degaanka Lodwar ayaa soo xiray 4 qof oo u dhalatay wadanka Shiinaha kadib markii la soo sheegay in ay si xun u handadeen injineer Kenyaan ah oo dhisayey goob wado ah.

Shaqaalahani Shiinaha ah ayaa lagu xiray ismaamulka Turkana.

4-ta Shiinaha ah ee la xiray ayaa kala ah, -Liu Jiang, Wang Kai, Zhao Liangbin iyo Li Shaoqing waxaana tani ay imaaneysaa xilli lagu soo baxay banaanbax ay sameeyeen 400 shaqaale ah oo u shaqeynayey shirkado Shiineys ah.

Shirkadda China Railway Engineering ayaa lagu eedeeyay inay weerareen oo injineer Rodgers Imasa kaasi oo isagu ku jirey shaqo kormeer ah oo uu ku sameynayey wadada isku xirta Loichangamak iyo Lodwar taasi oo ay shirkadda Shiinuhu dhiseysay asbuucii tegay.

Shaqaalaha ayaa sheegay in shaqaalaha ajnabiga ahi ay ku goobteen injineerka Kenyaanka ah iyaga oo si xun u garaacay xilli uu ku sugnaa degaan ku yaalla Turkana.

Dadka banaanbaxay ayaa sheegay in ay jiraan gumeysi iyo kiisas xaasidnimo ah oo madaxda Shiinuhu kula dhaqmayeen shaqaalaha Kenyaanka ah.

Sarkaalka howlgallada boosliaka ee degaanka Lodwar David Mutengi ayaa sheegay in Shiinuhu ay bilaabeen in ay dhuuntaan kadib markii ay dembigaasi galeen.

Taliye Mutengi ayaa sheegay in saraakiisha Shiinaha la soo xiriay subaxnimadii Talaadada isla markaasina ay isku dayayeen in ay dalka ka baxsadaan si aan loo xirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here