Dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in gebi haanba ay albaabada u laabtay 5 kamid ah Xawaaladaha Soomaalida leeyihiin ee ka howlgala gudaha wadankaasi.Sida ay sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, Xawaaladaha shaqada laga joojiyey ayaa waxaa kamida TAAJ iyo AMAL, oo ay bulshada Soomaalida aad u xiran tahay.

Go’aankaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili habeenimadii Isniinta garoonka diyaaradaha Nairobi loo diiday Wasiiro iyo Xildhibaano Soomaaliyeed in ay ka gudbaan madaarka.Madaxda oo wadatay Baasaboorka Diblumaasiga ayaa lagu gacan-seyray in loogu dhufto dal ku galka xili sababta loogu sheegay in loo wareejiyo safaarada Kenya ee Muqdisho.

Dhowr illo wareed oo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa laga soo xigtay in arrinta isbedelka aanan lagu soo war-gelin Hay’adda Socdaalka iyo Wasaarada Duulista Hawadda.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Kenya ay joojisay guud ahaan duulimadka tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadda oo qiil ka dhigatay arrimo la xiriira amaanka.Arrimahaan soo kordhay oo daaran xiriirka soo xumaanaya ee labada dal ayaa salka ku haysa dacwada muranka badda ee go’aankeeda laga dhowrayo Maxkamada Cadaalada Aduunka.

Dowlada Federaalka oo aan wali ka jawaabin talaabooyinka is-dabajooga ah ee Kenya ayaa horey u shaacisay in aysan ka laaban doonin dacwada ay ICJ u gudbisay, ayna iyadda ka dhowr-sugeyso.

Xigasho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here