Xoghayaha Guud ee jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa Antonio Guitteress ayaa soo saaray warbixin cusub oo uu xalay u gudbiyey Golaha Ammanaka ee QM.

Waxa uu Golaha Qaramada Midoobey u sheegay in Soomaaliya ay samaynayso horumar, balse loo baahan yahay in wax laga qabto deganaanshaha La’aanta Siyasaadeed, Musuqa, Colaadaha Xag-jirnimadda, Colaadaha Hubeysan iyo kuwa uu ugu yeeray argagixisadda.

Xoghayahu waxa kale oo uu ku xusay Warbixintiisa in ay jiraan caqabado waxyeeleyn karaan guulaha tabarta daran ee la gaaray, cabsi-gelina ku ah horumarka

Waxa uu sheegay in xaalladda Ammaanka ee Somalia weli tahay mid qaraxyo leh, muddadii u dhexeysay bartamihii bishii December ee sannadkii hore ilaa bilowgii bishan May.

Warbixinta Cuusb ee Xoghayaha Guud ee QM waxaa lagu muujiyey in bilihii March iyo April ee sannadkan goobjoog loo ahaa inay kordheen weeraradda ka dhaca Muqdisho, iyadoo shilalka waxyaabaha qarxa maalin kasta ka dhacaan Muqdisho

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadda ay ka fuliyaan Xarumaha magaallooyinka, gaar ahaan Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here