Markab ay leeyihiin millitariga Mareykanka ayaa wax uu galay xuduudka Badweynta Koonfurta Shiinaha taasi oo lagu muransan yahay loona yaqaano Scarborough Shoal.

Badaasi Koonfurta Shiinaha waxaa sheegta wadanka Shiinaha waxaase la sheegay in badaasi ay wadaagaan dalalka Brunei, Indonesia, Malaysia, Filibiinka, Taiwan iyo Vietnam kuwaasi oo iyagu ah wadammada gobolka badaasi ku taallo.

Arrintan cusub ee ah in Mareykanku uu halkaasi maraakiib dagaal geeyo ayaa waxaa ay ka careysiin kartaa xukuumadda Beijing.

Marinka South China sea ayaa isagu ah marin mashquul ah oo maraakiibta caalamku ay isticmaalaan waxaana keenista maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay tanay mid kor u qaadeysa xifaaltanka Mareykanka iyo Shiinaha xilli uu haatan socdo dagaal dhanka ganacsiga ah oo ka dhexeeya labada wadan ee ugu murqaha weyn xagga beecmushtarka caalamka.

Waxaa sidoo kale Mareykanku taageero u fidiyaa jasiiradda Taiwan oo iyadu madaxbanaani ku dhawaaqday waa hore isla markaasina ka madaxadeygsan maamulka Shiinaha.

Shiinaha ayaa gardarradani la kulmaya kadib markii maalinimadii Jimcaha uu kor u sii qaaday ficilka kala dhexeeya Mareykanka kadib markii uu kordhiyey lacagaha dheeraadka ah ama canshuuraadka uu ka qaado badeecooyinka Mareykanka uga yimaada waxaana tani ay muujisay aargoosasho uu Shiinuhu ku dhaqaaqay, marka loo eego soo rogista canshuuraadka.

Markabkani wax burburiya ayaa lagu magacaabaa Preble waxaana la sheegay in uu wado howlgal sida uu sheegay afhayeen u hadlay millitariga Mareykanka.

Preble waxa uu u shiraacday ilaa 12 meyl oo ah marinta Scarborough Reef si uu meesha uga saaro sheegashada marinkaasi uu sheegto Shiinuhu iyo si loo muujiyo sida loogu baahan yahay in loo hogaansanaado heshiisyada biyaha caalamiga ah ama badaha dadka ka dhexeeya, iyadoo loo hogaansamayo heshiisyada caalamiga ah” sidaasi waxaa yiri abaanduule Clay Doss, oo ah afhayeen u hadlay raxanta 7-aad ee maraakiibta Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Shiinaha in uu saldhigyo milleteri ka dhistay badda South China Sea halkaasi oo uu xuquuqdoo isku socod ku xadgudbay wadammada xaqa ku leh badaasi.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa iyagu mudoyinkii ugu dambeeyay xifaaltan dhexmarayey iyadoo Mareykanku haatan arrintaasi u bedelayo in uu taageero wadammada gobolka ee ka soo horjeeda siyaasadaha Shiinaha ee badweyna Koonfurta Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here