Gaavanaha Mandheera Ismaamulka Mandheera Cali rooba ayaa ugu baaqay beelaha dega gudaha gobolka Mandheera in ay ku wada noolaadaan nabad iyo wada jir isla markaasina aysan ogolaanin wax kasta oo iyaga kala qeybinaya.

Baaqani ayaa imaanaya kadib cabsi laga qabey isku dhac qaar ka mid ah beelaha degaanka dega. Wararka ayaa sheegaya in hal qof lagu dilay xuduudka Itoobiya maalmo kahor. Barasaabka Mandheera ayaa sheegay in dadka rayidka aysan awood u laheyn in ay ku noolaadaan cabsi joogto ah, gaavanaha ayaa ka hadlayey degaan hoosaadka Banisa.

Ismaamulka Mandheera ee dalka ayaa isagu waxa uu sanado badan ahaa meel ay hareeyeen dagaallo qabaa’il oo dhiig badan uu ku daatay kuwaasi oodhacay intii u dhaxeysay sanadihii 2011 ilaa 2013-kii. Dad badan ayaa la dilay halka boqolaal kalena ay guryahooda ka barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here