Xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa uu muuqda mid sii kululaanaya kadib markii 3 sarkaal oo watey baasaboorrada diblumaatiga loo celiyey baasaboorada isla markaasina loo diiday in ay soo galaan gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport habeenimadii Isniinta.

Saraakiisha ka socotay dowladda federalka ee Soomaaliya ayaa kus heegay dadka la celiyay in ay kala ahaayeen Osman Libah oo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda biyaha iyo tamarta.iyo senatorrada kala ah Ilyas Ali Hassan iyo Zamzam Dahir.

Waxaa dadkani lagu casuumay oo ay ka qeybgeli lahaayeen barnaamij la magac baxay EU Trust Fund for Africa kaasi oo lagu qaban lahaa xarunta Qaramada Midoobey ee Gigiri.

Waxaa sidoo kale ka qeybgelayey shirkaasi wasiirka arrimaha dibadda ee dalkani Kenya Monica Juma iyo wefdi kala duwan oo ka socday dowladda Kenya.

Waxaa la sheegay in ay safaaradda Soomaalida ee Kenya ay isku dayday in ay caawiso saraakiishani hase yeeshee arrintaasi ay guuldareysatay.

Ilaha wararka ayaa sheegaya in saraakiil kale oo dowladda federaalka Soomaaliya ka socday ay gegida diyaaradaha ku soo gudbeen si nabad sababtana kuwa kale loo celiyey ayaa lagu sheegay in ay tahay iyaga oo watey baasabooro dowladda Soomaaliya ay soo saarta halka saraakiisha la soo daayeyna ay wateen baasaboorada wadammo shisheeye.

Dadka baasaboorada Yurub watey ee gegida laga soo daayey waxaa ka mid ahaa Gamal Hassan oo ah wasiirka qorsheynta oo watey baasaboor Kanadiyaan ah Abdi Said oo ah la taliyaha madaxweyne Farmaajo waxa uu watey baasaboor mid ka mid ah wadammada Yurub halka Fawziya Abikar oo aheyd wasiirka caafimaadka dowladda federaalkana ay wadatay baasaboor isaguna mid ka mid ah wadammada Yurub.

Wararka ayaa intaa ku daraya in arrinka dadka Soomaalida ah looga celinayey gegida diyaaradaha uu salka ku hayo muranka badda ee u dhexeeya wadammad Kenya iyo Somalia, muranka badda ee labada wadan ayaan weli wax xal ah laga gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here