Garsooraha ugu sareeya cadaaladda dalka David Maraga ayaa arrimo ka sheegay dad laga shakisnaa oo maxkamadda ka soo hormuuqday iyaga oo soo xirtay maaskaraato ama waxyaalo ay wejigooda ku qarinayeen. Garsooraha ayaa ka digay in arrimahaasi ay dadkani wejiyadooda ku qariyeen ay khalkhal gelineyso maamulka cadaaladeed.

David Maraga ayaa sheegay in iyadoo la ogyahay in shaqsiyadda qofka la ilaaliyo hadana in loo baahan yahay in cadaaladda ay waxyeelaynayso haddii dadka dembiyada loo heysto la garan waayo wejigooda kolka maxkamadda la saarayo. Waxa uu eedeeyay in wejiga qofka iyo cadaalad marsiintu ay isku xiran yihiin isla markaasina loo baahn yahayin dadka maxkamadda saaran aysan xiranin wejiyadooda.

Warqad uu Garsooruhu u qoray ku xigeenkiisa Philomena Mwilu maalintimadii shalay ayaa garsoorae Maraga waxa uu ku weydiistay garsoorayaasha dalka in aysan u jixin jixin arrimaha noocan oo kale ah kuwaasi oo fashilinaya isla markaasina sumcadda ka qaadaya xukunnada ay fuliyaan maxkamaduhu.

Maraga ayaa ku amray garsoorayaasha maxkamadaha dalka in la muujiyo wejiga shaqsi kasta oo maxkamada la soo taagayo, waxaana arrintan ay imaaneysaa kadib markii maalinimadii shalay la soo xiray 38 shaqaale oo ka tirsan KRA-da kuwaasi oo lagu heystay in ay la baxsadeen canshuuraad waxaana dhacday in ay markii shaqaalahaasi la keenay maxkamadda ay soo xirteen ookiyaaleyaal madmadow iyo maaskaraatooyin ay wejiyadooda ku qariyeen. Taasi oo la garan waayey wejiyadooda.

Maxkamadda ayaa midkiiba ku sii deysay lacag dhan ilaa 200,000 midkiiba. Garsoore Maraga ayaa garsoorayaasha kale ee dalka u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in wejiga uu qarsado eedeeysane maxkamadda la horkeenay.