Booliska shareecada Islaamka ee gobolka Waqooyiga ee wadanka Nigeria ee Kano state ayaa si ku meel gaar ah u soo xiray dad gaaraya ilaa 80 qof.

Dadkani ayaa lagu soo eedeeyay in ay shacabka dhexdiisa cuntooyin ku cunayeen halkii ay ka soomi lahaayeen ilaa laga gaaro waqtiga qorrax dhaca, dadka muslimiinta ah ayaa looga baahan yahay inay soomaan bisha barakeysan ee Ramadan.

Booliska dhowritaanka Shareecada ee dalkaasi looga yaqaanno Hisbah, ayaa sheegay in dadka laga soo kala qabqabtay meelo kala duwan oo magaalada bartamaheeda ah waxaana howlgalku socday muddo maalmo ah.

Gobolka Kano ayaa ka mid ah gobollada Waqooyiga Neyjeeriya oo sida rasmiga ah loogu soo dabaalay shareecada Islaamka loogana dhaqmayey shareecada Islamaanka tan iyo sanadkii 2000.

Nijeeriya ayaa waxaa shareecada Islaamka looga dhaqmaa gobollo badan iyadoo kala bar wadanka lagu hago sharciga aan diinta ku dhisneyn.

Facebook Comments