Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa booqan doona degaanka Matungu ee kowntiga Kakamega maanta oo Khamiis ah.

Waxaa tani ay imaaneysaa kadib markii degaankaasi ay mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayeen dilal loo geystay dad rayid ah.

13 qof ayaa lagu dilay halkaasi bishii ugu dambeysay.

Wasiir Matiang’i ayaa laga rajeynayaa xafiiska Kaamishiner goboleedka halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono jiifafka qaabilsan amniga degaanada hoostaga Matungu.

Dadka degaanka ayaa la sheegayaa in ay gudbiyeen cabashada ku aadan in laamaha amniga degaanadaasi ay ka caajiseen in ay wax ka qabtaan arrimaha degaanka.

Dadka dadka dilaya ee laga shakisan yahay ayaa la sheegay in ay habeenkii saqda dhexe soo weeraraan bulshada, waxaana ay ku baxsadaan mootooyin ay mar waliba wataan.

Howlgallo amnig ayaa ka soconaya degaannada xaduudka la leh degaankaasi Matungu oo ay ka mid yihiin kowntiyada Siaya, Busia iyo Bungoma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here