Dowladda qaran ayaa garab ka heshay hey’adda UN-ka u qaabilsan degaanka ee lagu magacaabo UN -Habitat.

Madaxweyne Uhuru ayaa hore waxa uu u hindisay barnaamij ay dowladiisu ku hiigsaneyso dhismaha guryo badan.

Haatan ayaa waxaa UN-Habitat ay sheegtay in ay meel gebo gebo ah marsiineyso qorshe ay ku dhiseyso 8 kun oo guri oo laga hirgelin doono degaanka Mavoko, ee ismaamulka Machakos.

Mashruucan oo ay ku kaceyso lacag dhan $200 oo milyan oo u dhiganta (Sh20 billion) ayaa ah mashruuc ay Qaramada Midoobey dib ugu dejineyso ilaa 40,000 oo ah dadkii deganaa xaafadaha isku raranta ee ku yiiley bartamaha Nairobi.

Dr Thomas Chiramba, oo ah madaxa guriyeynta ee hey’adda UN-Habitat ayaa sheegay in shaqadani uu macnaheedu yahay sidii loo taageeri lahaa hindisaha madaxweyne Uhuru Kenyatta ee dhanka horumarinta iyo guri siinta dadkii deganaan jirey goobaha isku raranta si loo qurxiyo bilicda magaalada isla markaasina loo xaqiijiyo horumarka caasimadda.

UN-Habitat ayaa sheegtay in ay wado istraatiijiyad ay ku dhiseyso ay dadka saboolka ah awoodi karaan iyada oo tixraaceysa 4-ta ajende horumarineed ee loo yaqaan Big Four.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here