Xilli siyaasiyiintii ODM ay u sii qulqulayaan dhanka madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa waxaa mas’uulkii ugu dambeeyay uu ahaa gaavanaha Turkana Josphat Nanok.

Nanok ayaa ka tirsanaa ODM waxaana muddooyinkan dambe la arkayey isaga oo socdaallo badan ku wehlinaya madaxweyne ku xigeenka dalka.

War ka soo baxay xisbiga ODM ayaa hogaanka xisbigaasi waxa ay sheegeen in Gaavana Nanok uu xaquuq dimuqraadi ah u leeyahay in uu ku biiro xisbigii uu doono.

Gudoomiyaha xisbiga ODM John Mbadi ayaa u sheegay warbaahinta in isbedelka cusub ee uu Gaavana Nanok uu ku daba saftay Ruto in ay aheyd wax la sugayey oo aan la yaab laheyn.

Mr Mbadi ayaa qeexay in gaavanaha Turkana uu mar hore muujiyey in uu ka baxayo ururka ODM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here