Hey’adda Qaran ee maamulka degaanka ee magaceeda loo soo gaabiyo (Nema) ayaa xirtay 25 wershadood kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay suntooda kiimikada ah iyo qashinkoodaba ku shubayeen webiga Nairobi River.

Agaasimaha guud ee hey’adda NEMA Geoffrey Wahungu ayaa sheegay Arbacadii in wershadahani ay si sharcidarro qashinkooda ugu soo daadiyeen webiga kuwaasi oo si ba’an u wasakheeyay webiga oo haatan dowladdu ay nadiifineyso.

Agaasime Wahungu ayaa intaa ku daray in wershadahan oo uusan magacyadooda cayimin ay hareer mareen heerkii u degsanaa hey’adda degaameynta ee NEMA waxaana uu sheegay in aan loo ogolaan doonin in ay howlahooda sii wataan.

Horey ayaa hey’adda NEMA waxa ay u shaacisay in ay nadiifin doonto webiga Nairobi River iyada oo wadashaqeyn la leh dowladda hoose ee caasimadda Nairobi.

Wershadaha loo yaqan Giloil Industries, oo ah soo saare ka ganacsada saliidda cuntada ayaa noqday wershadii ugu horeysay ee irdaha la isugu dhufto kadib markii ay ku guuldareysatay sharciga u yaalla qaabka qashin-saarka, waxaana markii la xiray aad u yaabay shaqaalihii halkaasi ka shaqeynayey.

Wershadda soo saarta saliidda cuntada ee GilOil oo khasinkeeda ku soo shubtay webiga Nairobi River.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here