Dowladda qaran ayaa u baahaneysa 10 bilyan si ay magdhow u siiso dhibanayaal gaaraya ilaa 14,000 oo kiis kuwaasi oo dhammaantood la xiriira is waxyeelayn dhex martay dadweynaha iyo xayawaanka Duurjoogta, sidaasi waxaa sheegay wasiirka dalxiiska dalka Najiib Balala.

Xisaabid lagu sameeyay kiisaskani oo haatan weli la baarayo ayaa lagu sheegay in dadka macquulka ah ee dhibaatada kala kulmay xayawaanaadka duurjoogta ah ay ku guuleysan doonaan inay magdhow helaan.

Wasiir Balala ayaa sheegay in hey’adda KWS ee qaabilsan Duur-Joogta ay haatan gacanta ku heyso lacag dhan 365 milyan, lacagtani ayaana loo isticmaali doonaa in loo bixiyo magdhow ahaan bisha soo socota ee Juun.

Wasiirka ayaa ka hadlayey shir ka dhacay Nairobi oo looga arrinsanayey dagaallada dhex mara xayawaanaadka duurjoogta iyo dadka bani’aadamka ah iyo weliba sidii dadweynaha magdhow ay uga heli lahaayeen weerarada ay kala kulmaan xayawaanaadka.

Marka loo eego wasiirka ilaa 130 kiis oo dilal ah ayaa haatan miiska saaran dilalkaasina waxaa geystay xayawaanaadka Duurjoogta ee dalka, waxaana lacagtood magdhowga ah la siin doonaa ilaa 63 qoys.

Sharciga ayaa dhigaya in qofka uu magdhow xaq u leeyahay kolka uu xayawaanka kala kulmo weerar. Weerarada xayawaanka ayaa noqon kara mid dhaawac ay xayawaanaadku gaarsiiyaan bani’aadamka waxaana xayawaanaadkaasi magdhowga laga bixinayo ka mid ah weerarada ay geystaan Maroodiga, Libaaxa, Shabeelka, Rino-da, Waraabaha, Yaxaaska, Haramcasta, Lo’ Gizida, Maska, Jeerta, Yaxaas Badeedka, Kalluunka dhagaxeedka, Qodax Badeedka, Nibiriga, , eey Duureedka iyo Doofaar Duureedka, xayawaanaadkani oo dhammaan weerarada ay geystaan dowladdu magdhow ka bixineyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here