Dad laga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin mintidiinta Al Shabaab ee afduubtay dhaqaatiirtii laga afduubtay magaalada Mandera ayaa haatan codsanaya in la siiyo lacag gaareysa 150 milyan oo madaxfurasho ah.

Codsiga madaxfuradashada ayaa la soo marsiiyey odayaasha degaanka oo iyagu gaaray mee u dhow magaalooyinka Buale iyo Ceel Cadde halkaasi oo odayaasha loo sheegay in labada dhakhtar ee Herera Corea iyo dhakhtarkii qaliinka Landy Rodriguez la sheegay inay halkasi ku nool yihiin.

Odayaal ka socda magaalooyinka Mandheera iyo Beledxaawo ayaa waxa ay ku dadaalayeen sidii ay u xaqiijin lahaayeen in labada dhakhtar ay nool yihiin iyaga oo sheegay in labada dhakhtar ay daweyn u sameynayaan shacab ku sugan degaan aan magaciisa la sheegin.

Afduubteyaasha ayaa sheegtay in ay u baahan yihiin 1.5 milyan oo doolarka Mareykanka ah una dhiganta ilaa 150 milyan oo shillinka dalka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ragga wax afduubtay ay aheeyeen burcad kuwaasi oo ku wareejiyey Al-Shabaab, iyadoona Al-Shabaabku ay iyaguna sii iibinayaan dhakhaatiirta. Dhaqaatiirtan heerka caalami oo ka yimid wadanka Kuuba ayaa la afduubta bishii Abriil ee aynu soo dhaafnay 12-deedii, sanadkii hore ee 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here