Sophia Abdinoor oo ah xildhibaanka laga soo doorto degaanka Ijara ayaa codsatay in dowladda qaran ay macallimiin ku filan geyso degaannada xuduudka ee laga soo sheegayo amni darrada.

Waxaa ay xildhibaanku sheegtay in degaannadaasi loo ogolaado in loo diro ardeyda heysata D+ kadib marka ardeydaasi loo tababaro farsamada macallinimada.

Iyada oo ka hadleysay degaanka Ijara maalinimadii shalay ayaa xildhibaanad Safiya waxa ay tilmaantay in dowladda dhexe ay diidan tahay in ay ardeydaasi u ogolaato in loo qaato gelitaanka machadka tababarka macallimiinta.

Waxa ay sheegtay in ay haddii ay yihiin hogaamiyeyaasha gobolka W/Bari ay la fariisteen saraakiisha wasaaradda waxbarashada si xal loogu helo mashaqada ka taagan dhanka waxbarashada gobolka.

Waxa ay sharaxday in ay la yimaadeen ficil iyo go’aan kama dambeys ah kuna saabsan in la tababaro ardeyda heysata heerka D+.

Intaa kadibse, xoghayaha waxbarashada aasaasiga ee wasaaradda waxbarashada Mr. Belio Kipsang ayaa u xilsaaray 8 agaasimayaasha waxbarashada gobollada ah in ay qaataan oo keliya ardeyda heysata shahaadada C plain iyo C+ tani oo muujineysa in laga horyimid goaankii iyo taladii ay soo jeediyeen hogaamiyeyaasha W/Bari oo ahaa in la tababaro macalinimo la siiyo ardeyda heysata D+ ee shahaadada dugsiga sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here