Madaxda millitariga Suudaan iyo shacabka ayaa Arbacadii aynu soo dhaafnay ku heshiiyey 3 sano oo ah xilliga kala wareegga ee maamulka millitariga uu talada ku wareejinayo maamul shacab ah.

Dhaqdhaqaaqa gadoodyada ka wada dalkaasi Suudaan ayaa dalbanaya in isbedel shacbi ah loo dhiibo talada dalka tan iyo intii xilka laga tuuray hogaamiyihii dalkaasi ka soo talinayey 30 sano Cumar Al-Bashiir.

Wadahadallada millitariga iyo shacabka banaanbaxaya ayaa horaantii asbuucan waxaa hareeyay rabshado iyada oo sarkaal sare oo millitary ah iyo 5 rayid ah la dilay.

Ugu dambeyntiina, Labada dhinac ayaa wadahadallada u dhexeeya ayaa waxa ay gaareen isafgarad la isku waafaqay in 3 sano ay noqoto xilliga xukun shacbi ah la soo dabaalayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here