Sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa isla markaasina sharaxi waayey sida uu ku helay hantida uu heysto ayaa lagala wareegay 41 milyan oo uu heystay.

Maxkamadda racfaanka ayaa gaartay go’aankani lacagta loogala wareegay madaxii hore ee maaliyadda Shirkadda dowliga ah ee Dhowridda Biyaha iyo Tuubooyinka Mr. Stanley Mombo Amuti waxaana kale oo maxkamaddu amartay in lagala wareegi doono hanti aan la sharaxin lase sheegay in laga qaadi doono.

Garsoorayaasha dacwadda qaaday oo kala ah Phillip Waki, Gatembu Kairu iyo Otieno Odek, ayaa sheegay inkastoo aysan jirin dacwado ama cadeymo ku saabsan dhanka musuqmaasuqa ama ku tagrifal xafiiseed hadana ay tahay waajibaad sharci in la ogaado halka uu ka yimid shillin walba oo uu shaqsigaasi heystay.

Marka loo eego dowladda waxa ay sheegtay in 41 milyan oo shillin uu Amuti ku sameeyay 10 bilood gudahood taasi oo la sheegay in uu ku iibsaday hanti ma guurto ah balse aan la ogeyn asalka lacagtaasi.

Lacago intaasi ka badan ayaa ninkaasi la sheegay in uu kala debaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here