Shoog iyo amakaag ayaa dhacay kadib markii muran uu sababay dhimasho.

Mid ka mid ah shaqaalaha dugsiga sare ee gabdhaha Njonjo Girls ee kowntiga Laikipia ayaa tooreey ku dhuftay qof haweenay ah oo iskuulka kala shaqeynaysay.

Waxaa la sheegay in ninka uu tooreeyda u adeegsaday haweenta kadib markii ay isku waafaqi waayeen arrimo jaceyl oo uu u soo bandhigay.

George Thenya, ayaa tooreyda ku dhuftay Naomi Nyambura oo 39-jir aheyd.

Muran ayaa labadani qof dhex maray subaxnimadii Talaadada. George Thenya ayaa ahaa darawal halka gabadha Nyambura ay iyaduna aheyd xoghaye xafiiseed.

Dhibanaha dhaawaca loo geystay ayaa loola carary isbitaalka Nyahururu iyadoo xaalkeedu aad u xun yahay.

Markase loo eego saaxiibada dadkani ka agdhowaa oo iyagu magacyadooda qariyey ayaa waxaa ay sheegayaan in labada wada noolaayeen halkii sano ee ugu dambeeyay waxaana jaceylkoodu nooc kale isku bedelay maalimadii shalay.

Waxa ay murmayeen muddo nus saac ah taasi oo keentay in wiilka uu tooreey la soo boodo isaga oo Nyambura kala beegsaday dhanka caloosha labo jeer.

Dadka ayaa sheegay in ay maqlayeen muran cabaar socday markii dambena ay maqleen gabadhii oo codsi u qeylo dhaansaneysa, George ayaa mooday in ay dhimatay gabadha isaga oo qaatay xarig kadibna galay daar meelaha ka agdhow kaasi oo xarig isku ceejiyey iskana soo lalmiyey daarta gudaheeda.

Ninka ayaa la sheegay in uu ahaa aabo leh 3 carruur ah iyadoo ay qoys u deganaayeen magaalada Nakuru, balse waxa la sheegay in uu afaare jaceyl la wadaagi jirey gabadhaasi waxaana la sheegay in ninka dhintay uu ka caban jirey nin kale oo macallin ah oo isaguna gabadha la sheekaysan jirey.

Waxaa sidoo kale jirtey in gabadhu ay ninka dhintay weydiin jirtey in uu lacag badan siiyo si uu jaceylkoodu u taabo galo.

Taliyaha booliska sub kowntiga Nyahururu Geofrey Mayek ayaa xaqiijiyey shilka laakiin booliska ayaa weli baaraya waxyaabaha shilka dhaliyey. Waxaana meydka ninkaasi loo qaaday mortuariga degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here