Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyey in la adkeeyo bandowga saaran dahabka been abuurka ah ee la soo geliyo dalka.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli dad iska dhiga in ay soo dejiyaan dahabka la soo sheegaya in ay dhacaan dadka heysta dahabka saxda oo ay kaga bedeshaan dahab been abuur ah.

Waxaana madaxweyne Uhuru Kenyatta dhowr jeer la sheegay in uu la soo xiriiray hogaamiyaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum kaasi oo madaxweynaha ku calaacalay sheegayna in dahabkiisii lagu qabsaday gegida diyaaradaha ee JKIA.

U qeybsanaha xukuumadda Imaaraadka ee ka ganacsiga dahabka ayaa u sheegay hogaamiyaha Imaaraadka in dahabkoodii ka yimid jamhuuriyadda dimuqraadiga Koongo lagu qabsaday gegida diyaaradaha ee Nairobi.

Dahabkani Imaaraadku lahaayeen ayaa dhamaa malaayiin doolar waxaana laamaha amnigu ay dhowr jeer ka war heleen dad iska dhigaya ganacsato waaweyn oo doonaya in ay dahab been abuur ah ku bedelaan dahabkaasi.

Madaxweynaha qaranka ayaa ku booriyey laamaha amniga in laga digtoonaado ganacsatada dalka soo gelinaysa dahabka been abuurka ah kuwaasi oo doonaya in ay dhacaan oo ay ku bedeshaan dahabka sii mara gegida diyaaradaha iyo goobaha dekadaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here