Maamul goboleedka Puntland ayaa amar ku bixiyey dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, ayaa lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee hawlgala degaannada Puntland, in ay xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan ku soo gudbiyaan mudda bil ah, si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada iyo arrimaha ka dhalan kara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here