Gaavanaha Kisumu Anyang’ Nyong’o ayaa raalli gelin ka bixiyey mudahadaad looga soo horjeeday hogaamiyaha xisbiga ODM oo ka dhacay degaanka Muhoroni oo u dhow magaalada Kisumu.

Raila ayaa hogaaminayey koox ka kooban 3 wasiir iyo hogaamiyeyaasha kowntiga si ay uga hadlaan munaasabad lagu wargelinayo dadweynaha qorsheyaal halkaasi looga sameynayo mashaariic dhismeyaal ah.

Kooxda ayaa markii ay cagta dhigeen degaanka Muhoroni waxaa ay ka war heleen dadweyne careysan oo rabshadeeyay khudbadii halkaasi ka dhici laheyd. Waxaana dadku ay wateen boorar iyaga oo sheegayay in magdhow laga siiyo dhulkaasi oo ab ka ab ay dhaxal waalid u leeyihiin.

Gaavanaha Kisumu oo isagu aan halkaasi joogin ayaa sheegay in dadka KMuhoroni iyo kowntiga Kisumu dhammaanba ay doonayaan in horumar la gaaro.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here