Booliska magaalada Gaarisa ayaa Talaadadii gacanta ku dhigay 400 oo loor oo ah sonkorta mamnuuca ah.

Waxaa lagu qabtay degaanka Nuno gaar ahaan wadada isku xirta Modika-Modogashe.

Loorka sonkorta ah ee 25-ka kiilo ay ku jirto ayaa waxaa dusha uga shaabadeysnaa in ay tahay sonkor laga keenay wadanka Brazil.

Taliyaha booliska Gaarisa Alfred Ongengo ayaa sheegay in ay heleen warar sirdoon ah taasi oo intaa kadibna saraakiishu ay jidgooyo u dhigeen baabuurkii sonkortu ku rarneyd.

Sarkaal Ongengo ayaa sheegay in markii uu gaarigu soo gaaray degaanka Nuno, in saraakiisha boolisku ay joojiyeen halkaasi waxaa dhacday in darawalkii uu iridka iska furo oo uu ku dhuunto keymaha duurka. Saraakiisha ayaa baabuurkii u sii wadey dhanka saldhiga booliska ee magaalada Garissa.

Booliska ayaa weli ugaarsanaya darawalkii gaariga watey iyo milkiilihii gaarigaasi lahaaba.

Taliye Ongengo ayaa sheegay in aan la garaneynin halka loo wadey sonkortani kontrobaanka ah waxaana uu sheegay in baaritaannadu ay muujinayaan in sonkorta loo iibin rabey qaab jumlo ah isla markaasina uu leeyahay nin ganacsade weyn ah oo magaalooyin badan u qeybin jirey sonkortaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here