Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maalinimadii shalay ka soo hor muuqday dadweynaha markii ugu horeysay tan iyo intii uu isagu ka soo laabtay safakrkii uu ku tegay wadankaasi Shiinaha 2 todobaad ka hor.

Waxa uu dib ugu soo noqday aqalka madaxtooyada halkaasi oo uu ku saxiixay Hindise-sharciyeedyo muhiim ahaa kuwaasi oo ay ansixiyeen baarlamaanku.

Uhuru ayaa ansixiyey wax ka bedelka sharciga caafimaadka ee sanadka 2018 iyo sidoo kale sharuucda aqoonsiga xafiiska Gaavnar ee heer kownti ee sanadka 2018.

Madaxweynaha waxaa saxiixidda sharuucdaasi ku wehlinayey afhayeenka Senatka Kenneth Lusaka, Qareenka guud Ken Ogeto, hogaamiyeyaasha aqlabiyadda Kipchumba Murkomen (Dhanka Senate-ka) iyo hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka mudane Aaden Ducaale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here