Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo Felix Tshisekedi ayaa Isniintii digniin siiyey barasaabyada dhowaan la soo doortay ee gobollada dalkaasi.

Gudoomiyeyaasha gobollada dalkaasi ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo aad u taageeri jirey maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa Joseph Kabila, madaxweyne Felix ayaa ku booriyey gudoomiyeyaasha cusub ee ismaamul goboleedyada in ay u soo weecdaan fekradaha siyaasadeed ee dowladdiisa isla markaasina ay la dagaalamaan musuqmaasuqa.

Felix oo khudbad jeediyey ayaa yiri marka ugu horeysa waxa aan idin xusuusinayaa in aad tihiin u qeybsaneyaal dowladda qaran u metala gobollada ay ka soo jeedaan, waxaana mas’uuliyadani loo baahan yahay in aad tusaale muhiim u noqotaan maamullada aad ka soo jeedaan.

Hadalkan ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Koongada dimuqraadiga ahi Mr. Flex Tshisekedi waxa uu u jeediyey 23 gudoomiye goboleed oo la soo doortay bishii tagtay.

Gudoomiyeyaasha gobolladani ayaa iyagu ku jirey isbaheysi uu hogaaminayey madaxweynihii hore ee dalkaasi Joseph Kabila, waxaana seminaarka lagu barayey howlahooda cusub iyo sida ay ula qabsanayaan mabaadi’da ay dowladda dhexe higsaneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here