Gaavanaha ismaamulka Mandheera Cali Roba ayaa soo dhoweeyay go’aan ay maxkamadda sare ee dalku ku gaartay in ay xanibaadii uga qaaday qodashada macdanta Quariga ee gobolkaasi.

Jabsashada dhagxaanta ee Mandheera ayaa iyadu horey bandow lagu soo rogay sanadkii hore bishii Maarso kadib markii dowladdu ay bilowday tillaabo ay kaga hortageyso dilalka halkaasi ka dhaca oo la sheegay in ay geysan jireen maleeshiyaad mintidiin ah oo halkaasi soo weerari jirey, maleeshiyaadkaasi ayaa diiradda saari jirey dadka ajnabiga ah.

Isaga oo khudbad u jeedinayey shaqaalaha dhagxaan jebinta ka shaqeeysta ayaa gavanaaga Mandheera mudane Cali Rooba waxa uu sheegay in soo jabsiga macdantaasi ay dad badan oo degaanka ah ka manaafacaadsan jireen, waxaa uu sheegay in markii la xanibay dadka degaanka ay dareemeen culeys dhanka dhaqaalaha.

Gaavana Cali Roba ayaa waqti u qabtay dadka shaqaalaha ah isaga oo jebinta dhagaxa la furayo 2-da subaxnimo lana xirayo 4-ta galabnimo.

Waxaana uu uga digay shaqaalaha in laga digtoonaado in ay dhacaan xasuuqyadii dhacay sanadihii 2014 iyo 2016-kii kolkaas oo in ka badan 70 shaqaalaha wax jebiya ahi lagu dilay goobtaasi dhagaxa laga jebiyo, waxaana la sheegay in dilka dadkaasi ay geysteen kooxaha mintidiinta Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here