Dowladda qaran ayaa qorsheynaysa in ay shaqaaleysato 12,000 oo macallin sanad walba si looga gaashaanto macallin yarida ka jirta iskuulaadka dadweynaha.

Qorshahan ayaa ku eg 5-ta sano ee socota, Guddiga Howlgallada macallimiinta ee lagu magacaabo (TSC), ayaa sheeegay in qorshaha arrintan uu socon doono inta u dhaxeysa 2019-2023, waxaana loo baahan doonaa lacag dhan 73.7 bilyan si macallimiin cusub loo helo.

Tani ayaa ka dhigan in bishii loo baahan doono 16.4 bilyan 4-ta sano ee socota halka sanadkan 5-aad loo baahan doono 8.1 bilyan.

Bishii Juune ayaa Guddiga Howlgallada macallimiinta waxa uu qiyaasay in macallimiinta loo baahan yahay ay gaarayaan ilaa 96,345 oo macallin — kuwaasi oo 38,054 aad loogu baahan dugsiyada hoose halka 58,291 looga baahi qabo dhanka dugsiyada sare ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here