Xukuumadda dalka ayaa sheegtay in dadka aan isku diiwaangelinin Huduma Namba ay wajahi karaan dhibaatooyin la xiriira gaaritaanka howlaha dowladda.

Guddi wasaaradeedka u xilsaaran hirgelinta Huduma Namba oo uu hogaamiyo wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa sheegay in leyliga qaadashada uu macnihiisu yahay in howlaha dowladda ay si fudud u gaaraan dadweynaha.

“Kuwa aan isku diiwaangelinin ayaa waxa ay la kulmi karaan dhibaato la xiriira in la dabagalo halka ay ka keeneen dokumentiyada ay wataan si wax loogu qabto.” sidaasi waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaran, Fred Matiangi.

Waraaqahaasi saameynta ku yeelanaya Huduma Namba waxaa ka mid ah kuwa diiwaangelinta dhalashada, warqadaha dhulalka, bedelista warqadaha imtixaannada, warqadda guurka, goosashada warqadda aqoonsiga Kibaandhaha, iyo soo saarista Shatiga ganacsiga.

Howlaha kale ee Huduma Namba ku jira waxaa ka mid ah warqadaha sheegaya geerida waalidka, warqadaha uu qofku ku cadeeyo howlgabnimadiisa, warqadaha canshuuraadka kuu soo noqonaya, warqadaha codsiga subarloogada guryaha iyo warqadaha soo codsiga iyo dib u cusbooneysiinta dokumentiyada dowladda.

Waraaqahaani oo dhammaantood ah dokumentiyo u dhexeeya shaqsiga iyo dowladda qaran. Dhanka kale dowladda qaran ayaa sheegtay in aan la dheerayn doonin waqtiga uu ku egyahay goosashada lambarka Huduma.

Dowladda ayaa sheegtay in horey ay isku diiwaangeliyeen 31 milyan oo shacab ah iyadoo ujeedku ahaa in la helo 40 milyan iyo dheeraad. Muwaadiiniinta qurbajoogta ah ayaa is diiwaagelintooda ay socon doontaa ilaa 20-ka bisha soo socota ee Juun, hase yeeshee goosashada muwaadiniinta dalka gudihiisa ee lambarka Huduma ayaa ku eg 18-ka bishan May. Wixii intaa ka dambeeya ayaa waxaa dadka ay dhaaftay Huduma Namba ay la xiriiri karaan jiifafka walow aysan laheyn waqti u gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here