5 banaanbaxe iyo sarkaal sare oo ciidanka ka tirsan ayaa shalay lagu toogtay caaasimadda Khatruum ee dalkaasi Sudaan.

Arrintan ayaa timid saacado kadib markii banaabaxayaasha iyo jeneraallada ciidanku ay gaareen heshiis sheegaya in talada dalkaasi lagu wareejiyo gacan shacbi.

Markii ugu dambeysay ayaa la sheegay in dacwad soo oogaha qaranka Suudaan la sheegay in uu u yeeray madaxweynaha talada laga qaaday ee dalkaasi. Dacwad soo oogaha ayaa sheegay in Cumar al-Bashir loo heysto dacwado la xiriira in uu ka dambeeyay dilka dad banaanbaxayaal ahaa intii uu socday gadoodkii looga soo horjeeday maamulkiida kaasi oo la doonayey in xilka looga qaado bishii tagtay.

6-da qof ee la dilay shalay ayaa lagu soo waramayaa in afaafka hore ee xarunta ciidammada ee ku taal caasimadda Khartuum halkaasi oo muddo asbuucyo ah ay banaanbaxayaashu fariisin ka sameysteen. guddiga millitariga ayaa sheegay in dad aan la garaneynin ay toogteen dad badan oo xerada agteeda ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here