Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa axdi ku maray in uu siiw adi doono taageerada uu siiyo ururada diimaha gaar ahaan kaniisadaha.

Dr Ruto, oo horey u qabtay xaflado lacag aruurin ah oo loo sameeyay in ka badan 20 kaniisadood oo waaweyn ayaa maalinimadii shalay ka sheegay kowntiga Turkana in dadka isaga ka soo horjeeda ay ogaadaan in aadis la aado kaniisadda iyo tabarucaad halkaasi laga geysto ay tahay in uusan qofna u qaadanin in isaga weerar lagu soo yahay.

“Waan taageeraynaa goobaha macbadka ah iyo dhammaanba ururada diimaha, kuwa ka soo horjeeda tabarucaada aan la baxayo Eebe maalnta khiyaamaha arki doona,” ayaa uu yiri madaxweyne ku xigeenka.

William Ruto ayaa horaantii sanadkan oo keliya bixiyey 400 milyan oo uu siiyey kaniisadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here