Hogaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa ku gacan seyray wararka ka soo yeeraya dadka ka soo horjeeda is-gacanqaadii dhowaan dhex maray isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

Raila ayaa shegay in horey ay dadka ugu sheegeen in is-gacanqaadka uusan aheyn arrimo shuqul ku leh siyaasadda 2022-da.

Raila ayaa isaga oo muuqata u xiganaya madaxweyne ku xigeenka dalka William ruto waxa uu sheegay in Kenyaanku aysan aheyn dad uu madaxfurasho u heysto William Ruto sababo la xiriira heshiiskii uu Ruto madaxweynaha la galay xilligii la diyaarinayey doorashooyinka dalka.

Hogaamiyaha xisbiga (ODM) ayaa sheegay in qofna uusan kala doodin danaha iyo wax ku saabsan doorashooyinka madaxtinimo ee dalka ka dhacaya sanadka 2022-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here