Nin 32 jir ah ayaa la soo taagay maxkamadda Kakamega kadib markii dil u geystay nin kale oo saaxiib ay ahaayeen.

Justus Opeywa Aburi ayaa lagu eedeeyay in uu 60 shillin darteed u dilay Jacktone Masava bishii April ee aynu soo dhaafnay.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa Emakunzi ee degaanka Vihiga.

Marka loo eego waraaqaha maxkamadda la geeyay waxa ay sheegayaan in ninka dhintay uu gaaray goob cabitaannada maxaliga ah lagu cabo, halkaasi waxaa uga daba tegay ninka kale ee saaxiibkiisa ahaa oo isagu ku lahaa 60 shillin.

Mr. Aburi ayaa weydiistay in uu bixiyo 60 shillin oo deyn ah oo uu ku lahaa. Hase yeeshee Mr. Masava ayaa ka labo labeeyay in uu deynka 60-ka shillin ah iska dhiibo.

Mr. Aburi ayaa Alwaax soo qaatay isla markaasina madaxa kaga dhuftay ninkii kale, halkaasi Masava markiiba uu ku qurbaxay.

Garsooraha maxkamadda Jesse Njagi ayaa amray in ganaax dhan 500,000 laga qaado Aburi oo ah ninka wax dilay, waxaana dacwadda mar kale la dhageysan doonaa July 3-deeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here