Wasiir ka tisan xukuumadda Israa’iil ayaa digniin bixiyey maalimadii Axadda isaga oo sheegay in sababo la xiriira cunaqabateynta Mareykanka ee Iiraan la saaray in millitariga Iiraan ay weerar ku soo qaadi karaan xukuumadda Israaiil.

Wasiirka ayaa sheegay in kacdoonka ka dhexeeya Washington iyo Tehran uu keeni karo in Israa’iil la soo weeraro.

Mareykanka ayaa kordhiyey cadaadiska dhaqaale iyo midka millitary ee uu ku hayo dalka Iiraan.

Donald Trump ayaa Khamiistii ku booriyey hogaamiyeyaasha in ay Iiraan u sheegaan in ay joojiso hubkeeda Nuklierka isaga oo carabka ku dhuftay in uusan amar ku bixin doonin ficil millitary.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dowladiisu waxa ay si weyn u taageertaa ad adeyga Trump iyo hanajabaadihiisa ku aadan dalka Iiraan.

Isaga oo tan ka eegaya ayaa waxaa wasiirka tamarta ee Israel Yuval Steinitz uu sheegay in inkastoo xaaladda Bariga Dhexe ay aad u kacsan tahay hadana weli kuleylka hadallada la dareemayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here