Saraakiisha dembi baarista qaranka ayaa baareysa lacago laga qaatay waaxda canshuuraadka dalka ee KRA.

Wararka ayaa sheegaya in hey’adda KRA ay baaritaan ku bilowday saraakiisha sar sare ee isla hey’adaasi u shaqeeya, maamuleyaasha iyo kaamishinerrada.

Bandow ayaa lagu soo rogay xafiisyada daarta Times Tower waxaana la sheegay in ujeedadu tahay sidii loo heli lahaa macluumaad ku saabsan halka ay ka baxday balaayiin shillinka dalka ah oo ah canshuurtii dadweynaha laga qaaday.

Markiiba waxaa la helay 41 qof oo laga shakiyey kuwaasi oo isugu jira shaqaalaha yar yar iyo maamulka dhexe iyo kormeerayaasha canshuuraadka qaranka, dhammaan dadkani ayaa la soo qabqabtay iyadoo lagu hayo saldhigyada booliska.

Booliska ayaa maalinimadii shalay baadigoobayey 40 sarkaal oo kale kadib markii Laanta Dacwad Soo Oogista Qaranka ay amar ku bixisey in 40-ka sarkaal gacanta lagu soo dhigo.

Taliyaha laanta dembi baarista qaranka George Kinoti ayaa sheegay in waxa ay baarayaan ay tahay lacago meelo fog loo xawishay iyo lacago canshuur ah oo lala goostay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here