Afhayeenka aqalka madaxtooyada Kenya Kanze Dena ayaa sharaxaad ka bixisay arrimaha la xiriira halka uu ku sugan yahay madaxweyne Kenyatta taasi oo aad looga hadal hayey baraha Bulshada.

Xilli hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada iyo qaar ka mid ah raadiyeyaasha waxa laga hadal hayey arrimaha ku saabsan in aan war laga heynin halka uu jiro madaxweynaha dalka.

Hase yeeshee afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena oo la hadleysay raadiyaha Maisha ee caasimadda Nairobi ayaa ku warbixisay in madaxweynaha uu shaqo ugu maqan yahay qeybo ka mid ah dalka isla markaasina uu diiradda saarayo howlo badan oo xafiiskiisu uu hayo.

Waxa ay si la yaab leh isku weydiisay sababta ay dadku u weydiinayaan su’aashaasi layabka leh ee ku saabsan in aan mudooyinkan la arkin madaxweynaha.

Afhhayeenka madaxtooyada ayaa tilmaantay in dad badan ay soo waceen isla markaasina ay weydiinayaan halka uu madaxweynaha dalka ku sugan yahay tan iyo markii uu ka soo laabtay safarkii dalka Shiinaha.

Waxaa ay tilmaantay in madaxweynaha haddii uu meelo ka tirsan dalka ku sugan yahay in taasi aysan macnaheedu aheyn in la waayey madaxweyne Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here