Ugu yaraan 10 qof ayaa ku nafweysay shil ka dhacay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Nairobi iyo Garissa.

Shilkan oo dhacay habeenimadii Axadda ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaada ah iyo gaari kale oo bas ah.

Baska ayaa ku sii jeeday Wajeer. Waxaana booliska iyo markhaatiyadu ay sheegayaan in tiro kale ay ku dhaawacantay shilka. Waxaana uu ka dhacay agagaarka Tula ee degaanka Bangal.

Dhimashada ayaa kor u sii socota waxaana dadka dhaawaca ah qaarkood ay u geeriyoodeen dhaawaca soo gaaray, sida ay ku soo waramayaan isbitaallada Gaarisa.

Isku xiraha amniga gobolka W/Bari Mohamed Birik ayaa sheegay in shilkan uu dhacay kadib markii basku uu fooda daray gaariga xamuulka ah oo ku rarnaa Shamiito.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here